Home WARARKA Dowlada Soomaaliya Oo Ku sii dhawaanaysa In laga Cafiyo Daymaha iyada oo...

Dowlada Soomaaliya Oo Ku sii dhawaanaysa In laga Cafiyo Daymaha iyada oo ka gudubtay Shardigii labaa ee lagu xiray Cafinta Daynta

523
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumaa Fedaraalka ah ee Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay soo gaba gabeeyeen wajigii labaad oo ah shuruudaha Soomaaliya looga cafinayo deymaha, isagoo caddeeyay inay ku guuleysteen dib u habeynta nidaamka maaliyadda Dalka.

Wasiir Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Bankiga Adduunka iyo Hey’adda IMF ay ku qanceen hufnaanta nidaamka maaliyadda dalka, ayna ka gudbeen wajiga labaad ee habka cafinta Daynbta , waxa uuna Cadeeyay in iminka  laguda galay wajigii ugu dambeeyay ee deen cafinta oo ay horyaalaan shuruudo hor leh.

“Laba Arrimood ayaa noo suura galay, waa tan koowaadee waxaan soo gaba gabeynay wajigii labaad oo warqadina ay kasoo baxday la leeyahay Soomaalidu wey kasoo baxeen, waxaa taasi noogu xigay in uu inoo bilowday wajigii sadexaad oo aan fileyno inuu yahay kii ugu dambeeyey oo hadii aan ka gudubno aan kamid noqoneyno aduunyada kale”ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hagaajinta maamulka Maaliyadda Soomaaliya ay sababtay in Bankiga adduunka ay sanadkaan  ugu yaboohaan Soomaaliya lacag 140-milyan oo doolar, halka midowga yurubna ay ku deeqeen 100M.

waxaa uu sidoo kale sheegay inay hubinayaan sida ay ku yimaadeen deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, ayna la xiriireen dalalka deymahaasi sheegtay.

Waxaa uu sheegay in Mideynta canshuur qaadista hey’adaha dowladda ay qeyb ka aheyd sharuudaha Cafinta deyn.

“Shuruudaha ugu adag ee ugu waaweynaa waxa weeyaan inaan kordhino dakhliga wadankeena Gudihiisa kasoo xarooda”ayuu yiri.

Wasiir Beyle ayaa intaa ku daray in ciidanka iyo Howl-wadeenada safaaradaha inay hubinayaan inay akoono ku qaataan mushaaraadkooda si loo xaqiijiyo inaan lacago kaash ah gacanta lagu qaadan.

Wasiirka oo ka hadlaya arintaas ayaana yiri “Shantii kun ee ugu horeysay ee ciidankeena kamid ah ayaan Akoono u sameynay inta kalena wey ku xigeysaa, qof waliba oo ciidan ah iyo qof waliba oo shaqaale ah iyo cid waliba oo dowladda wax ka qaadataa waa iney farihiisa meel yaalaan Akoonkiisa wax lagu shubaa arin badan bey xalineysaa taasi”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here