Home WARARKA Afhayeenka Wasaarada Amniga oo Bogiisa Ka saaray Qoraal uu Madaxwaynaha ugu jawaabayay

Afhayeenka Wasaarada Amniga oo Bogiisa Ka saaray Qoraal uu Madaxwaynaha ugu jawaabayay

167
0

Iyada oo maanta Soo saaray Amar Madaxwaynaha Jamhuuriyada Fedaraalka ah ee Soomaliya oo ku aadanaa wadooyinka oo xirnaa 24-kii Saac ee la soo dhaafay, in si deg deg ah loo furo ayaa waxaa si lama filaan ah war kaas ka duwan usoo saaray Afhayeenka Wasaarada Amniga Abdulaziz Ali Ibrahim Xildhiban.

Madaxwayne Farmaajo ayaa Ciidamada iyo Laamaha Amniga ku amray in dadka loo furo Wadooyinka Amniga Xooga la saaro sugidiisa, isaga oo ugu baaqay in shacabka ay ka qayb qataan sugida amniga.

iyada oo Wadooyinkii xirnaa Ciidamadu ay dib u fureen kuwaas oo Gaadiidka dadweynaha iyo Mooto Bajaajka ay si caadi ah u istcimaalayaan.

Waxaa durba Beeniyay In ay wax wado ah la xiray Afhayeenka Wasaarada Amniga oo sheegay in aysan jirin wax wado ah oo la xiray aysan jirin, waxa uuna sheegay in aan la aqbali karin Laba arrimood oo kala ah Marka uu QARAX dhaco in dowladda lagu qabsado, iyo in la eedeeyo Ciidamada Dowlada.

Ugu danabayn Cabdi Casiis Xildhibaan ayaa qoraakiisa ka saaray Hadalkii uu ku beeniyay Wadooyinka Xirin ee Magaalada asiga dib tifa tir ugu sameeyay ka dib Dad fara badan oo faalo ka dhiibtay Qoraalka umuuqday in uu ugu jawaabayay Madaxwaynaha

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here