Home WARARKA WAR DEG DEG: Dil Markale kale oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

WAR DEG DEG: Dil Markale kale oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

125
0

Wararka Ka imaanaya Xaafada Cali shire ee degmada Howlwadaag ayaa sheegaya in Rag bustoolado ku hubeysnaa ay xaafada ku dileen Nin Nabaddoon ah oo degmadaasi Caanka ahaa.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Cali Shire oo ka tirsan degamda Howl-wadaag, waxaana nabadoonka la dilay lagu Magacaabi jiray Xuseeen Geedi Jimcaale.

Mid ka mid ah Dadwaynaha ku nool Xaafada Cali Shire ayaa sheegay in Nabadoonka lagu dilay Albaabka hore ee gurigiisa,iyada oo raggii ka dambeeyey dilkiisa ay baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay wallow aysan ku guuleysan in ay Gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyey dilka Nabaddoonka.

Saacad ka hor ayaa wxaa Muqdisho ka dhacay dil kale oo isna ka dhacay Degmada Xamarwayne kaas oo dhacay agagaarka Xarunta Jaamacadda Ummada Xamarweyne taas oo uu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada dowladda kuna dilay Darawal Mooto bajaaj.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here