Home WARARKA Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo digniin udirtay Ciidamada Dowladda.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo digniin udirtay Ciidamada Dowladda.

122
0

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koobad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Col. Xasan Cali Shuute ayaa digniin Culus udiray Ciidamada Dowlada ee markasta isku dhaca.

Gaashaanle shuute oo ciidamo loogu magac daray Kacaanka 14 Octobar oo ka xareysan Xerada Daljir ee ay mamuli jirtay Dowlaa Imaaraatka, EX Gen. Gordan ayuu sheegay inaan loo dul qaadan doonin isku dhacyada Ciidamada Soomaaliya Guddoomiyaha darajada 1aad ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in Ciidamada lagula xisaabtami doomo khasaaraha ka dhasha isku dhacyada dhaxdooda ah ayna diyaariyeen qaabkii arintaasi loo wejihi lahaa sida uu sheegay.

Akhlaaq iyo dadnimo ayuu kula dar daarmay Ciidamada Cusub oo u badan dhalinyaro Jaamiciyiin ah iyo Kuwa dariiqada Culumada Suufida ah oo si gaar ah loo soo xulay looguna talagalay Muqdisho iyo Soomaaliya oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here