Home WARARKA Axmed Madoobe Oo Shirka Baydhabo ku tilmaamay Guul Lagu tilaabsaday

Axmed Madoobe Oo Shirka Baydhabo ku tilmaamay Guul Lagu tilaabsaday

96
0

Hogaamiyaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Madoobe ayaa xusay in ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo qodobadii ka soo baxay Shirka loona baahan yahay in dhamaan madaxda dowladdda iyo kuwa Maamul goboleedyada ay ka shaqeeyaan dhaqan gelintooda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in la xoojiyo qodobada amniga iyo Siyaasada oo uu ku sheegay in ay ahaayeen qodobadii ugu muhiimsanaa ee Shirka ka soo baxay.

Axmed Madobe ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa Xasilooni Siyaasadeed iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, ka dib markii uu Maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo isaga oo ka soo laabtay Magaalada Baydhabo oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Golaha Amniga Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here