Home CIYAARAHA Argentin Oo Baajisay Kulankii ay Qudus Kula qaadan lahayd Israel ka dib...

Argentin Oo Baajisay Kulankii ay Qudus Kula qaadan lahayd Israel ka dib Cadaadis Xoogan Messi lagu saaray

300
0

waxaa la cancel-ay Ciyaartii Saaxiibtinomo ee xulalka Argentina iyo Israel oo qorshaha in ay ku ciyaaraan Magaalada Barakaysan ee Qudus balse waa la baajiyay kadib markii ay hanjabaado Baaq Xoogan udireen ciyaartoyda Xulka Argrentin oo uu hogaminayo Messi oo si gaar ah baaqa ugu socday, Kumanaan Falastiiniyiin ah.

Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Falastiin, Jibriil Rajuub ayaa ugu baaqay Lionel Messi aanu ciyaarin Kulankaas la qorsheeyey in lagu qabto magaalladda Qudduse ay haysto yahuuda.

Gudoomiyaha Xireerka ayaa Goob fagaara ah ka jeediyay inay gubaan Funnaanadaha Laacibka Barcelona iyo Sawiradiisa, haddii uu ka qeyb qaato Ciyaarta la filayo in ay khamiista cayaaraan waxa uuna sii daba dhigay in messi yahay Ruux nabadeed balsa uusan ka hiilin Falastiin, Isla markaana aanu noqon doonin Mid daboola Dembiyada iyo Haysashadda dhulalka Falastiin. “Mrssi waa Tusaalaha Nabadda iyo Jacaylka” ayuu yiri.

Sidoo kale Gudoomiyaha Xiriirka ayaa Messi Xasuusiyay In uu Dalalkia Carabta ku lee yahay in ka badan 10 Million oo tageero, isla markaana aanu ka hiilin taageerayaashiisa Faraha badan

“Waxaan weydiisanay inuu ka qeyb galo sharciyeynta ka shaqeynta dambiga. Waxaan bilownay olole kasoo horjeeda xiriirka kubada cagta Argentina, inagoo si shaqsi ah diirada u saareyna Messi, kaas oo ay taageero u yahiin in ka badan 10 Malyan oo Muslimiin iyo carab ah”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Argentine, Jorge Faurie oo warbaahinta la hadlay asiga oo ku sugan Maraykanka ayaa sheegay inuu rumeysan yhaay inaysan Xulka Argentine doonaynin inay u safraan Israel, si ay u soo ciyaaraan. “Sida aan ogahay, Ciyaartoyda Kooxda Qaranka ma Rabaan inay dheelaan Ciyaartaasi” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here