Home WARARKA Wasiir Ku lug yeeshay Fadeexad oo Sheegay in uu celinayo Mushaarkiisa Sanadka...

Wasiir Ku lug yeeshay Fadeexad oo Sheegay in uu celinayo Mushaarkiisa Sanadka Oo Dhan

122
0

Wasiirka maaliyadda Japan Taro Aso, ayaa sheegay inuu celinaya dhamaan mushaaraadkii uu qaadanayay sanadka dhan kagadaal Fadeexad Musuq Maasuq oo la soo daristay Xukuumada Dalkaas.

Xukuumada Japan ayaa laga soo sheegayaa in lagu helay in ay ku luq lahaatay faddexaad iyo is daba marin lagu sameeyay dhul ku yaala dalkaas, kaas oo si sharci darro ah wax uga baddashay dokumeentiyada dadweynaha.

Wuxuuna sheegay inuu celinaya mushaarkii uu qaadanayay sanad dhan oo gaaraya 30 milyan oo lacagta Yen-ka ah oo u dhiganta $274,000.

Baaritanno la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe iyo xaaskiisa laga saaray dokumeenti ay ku xusnaayeen oo ku saabsanaa dhul dowladda ay leedahay oo lagala iibsadaym Wasiirka maaliyadda Japan Taro ayaa aqbalay inuu ku lug lahaa dhulka Muranka Badan dhaliyay iyo fadeexadda xoogan ee la soo darsitay islamarkaasna sheegay in arrintaasi ay dhaawacayso kalsoonida shacabka ay u hayaan xukuummadda Dalkaas, asiga oo hadalkiisa sii raaciyay in uusan isu casili doonin fadeexada.

Xumuulamada uu hogaamiyo Shinzo Abe ayaa lugaha la gashay musuq maasuq xoogan oo banaanka usoo baxay, waxaana lumay in badan oo ka mid ah Kalsoonida Shacabka, tan iyo markii ay soo ifbaxday in dhul ay xaaska Ra’iisul wasaaraha iibsatay oo qiimo dhimis aan caadi ahayn lagu sameeyay.

Inkastoo Ra’iisul wasaaraha uu iska fogeeyay inuu ku lug lahaa wax isdabo marrintaasi.

Shir jaraa’id uu maanta qabtay ayuu wasiirka maaliyadda Japan ahna ku-xigeenka Ra’iisul wasaaraha sheegay in aanan la qabali Karin in dokumeentiyada wax dowladda been abuur lagu sameeyo ayna tahay arrin laga qoomameeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here