Home WARARKA War Cusub Maamulka Puntland oo qaylo dhaan ka soo saaray Lacag ay...

War Cusub Maamulka Puntland oo qaylo dhaan ka soo saaray Lacag ay Dowlada Ugu Deeqday Somaliland

157
0

Mas`uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Puntland oo warbaahinta shir ugu qabtay Magaalada Garawe ayaa kaga muujiyen walaac Xoogan lacag dhan Hal Milyan Oo Doolarka Maraykanka ah Oo dowlada Fedaraalka ah ugu tala gashay dadkii ay saameeyeen Duufaanadii ku dhuftay deegaanada Soomaaliland.

Guddiga gurmadka fatahaadaha ee Qaranka ayaa shalay ku dhawaaqay in lacag gaareysa 1Milyan oo dollar ay ugu deeqeyn dadkii ay saameeyeen Duufaanadii ku dhuftay deegaanada Soomaaliland sida uu warbaahin u sheegay guddoomiyaha guddiga gurmadka ahna Ra`iisul Wasaare ku xigeynka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Maamulka Puntland ayaa walaac Xoogan ka muujiyay waxa ayna sheegeen in ay ka baqanayaan in lacagtaas deeqda ah Soomaaliland ay u isticmaasho dagaalka kala dhaxeyso Maamul Gobaleedka Puntland.

Wasiirka arimaha gudaha Puntland C/laahi Cali Xersi Timacadde ayaa tilmaamay in ay ka baqayaan lacagtaas loo isticmaalo arimo siyaasadeed oo Soomaaliland ay ku iibsadaan Hub iyo wax la mid ah.

“kama hor imaadsanid gurmadka loo fidinayo dadka wax yeelada ka soo gaartay Duufaanadii ku dhuftay Soomaaliland laakiin waxaan walaac ka muujineynaa wadadii Soomaaliland loo marsiiyay deeqdaasi”.

Timacadde ayaa tilmaamay in ay aheed in guddiga lacagtaas ay ku wareejiyaan Culimada, Odiyaasha dhaqan iyo Duubabka laakiin aysan aheen madaxda Soomaaliland si toos lacagtaas gacanta looga saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here