Home WARARKA Somaliland oo la wareegtay Magaalada Buuhoodle oo maalmo ka hor Madaxwaynaha Puntland...

Somaliland oo la wareegtay Magaalada Buuhoodle oo maalmo ka hor Madaxwaynaha Puntland lagu siiyay Hub iyo Gaadiid Dagaal

479
0

Ciidamada Difaaca Somaliland ayaa la wareegay Magalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer iyaga oo garay galinkii dambe, waxaana hor kacayay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta Xukuumada Soomaaliland oo horaantii Sagaashameeyada sheegtay in ay ka Go’day Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka Howlaha Guudm Cabdi Rashiid Ducaale Qambi, oo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay, waxaana soo dhawaynta ka qayb qaatay Boqolaal dadwyane ah, waxa uuna sheegay in Shacabka buuhoodle ugu baaqay in aan loogu sacba tumin colaad, isla markaan ay ku fara adeegaan nabadgelyada ay heestaan.

Dhawaan ayay ahayd Markii ay dadwaynaha Buuhoodle siweyn u soo dhaweeyeen madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland iyaga oo u sheegay in dagaalka ka dhanka ah Soomaaliland ay ka qeyb qaadan doonaan, isla markaana ay diyaar uyihiin in ay safka hore dagaalka ka galaan, iyada oo ay beel ka mid ah beelaha Dhulbahante ku wareejisay Hub iyo gaadiis Dagaal oo ay kaga qayb qaadanayaa dagalka Tukaraq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here