Home WARARKA Mid ka mid ah Wasaaradaha Fedaraalka oo qaday Talaab looga Fogaanayo Musuq...

Mid ka mid ah Wasaaradaha Fedaraalka oo qaday Talaab looga Fogaanayo Musuq Maasuqa Hareeya Wasaaradha Dalka

134
0

Waxaa sii xoogaysanaya Dagaalka lagula jiro Musuq masuqa baahsan ee dalka ka jira, Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah waxa ay Wasaaradda Maaliyadda ugu wareejisay qabashada lacagihii ay qaban jirtay Wasaarada oo sida la aamin sanyahay Gacma gacmayn lagu smayn jiray, iyada oo lacagta loo qaadaayo qaab casri ah.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu wareejiyay, waxaana ka soo qayb galay, Wasiirka Cusub ee wasaarada Warfaafinta, Daahir Maxamuud Geelle, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda C/laahi Sheekh Cali Ibraahim (Qaloocow) iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in la mideeyo hanaanka maamulka daqliga, taasi oo ujeedadu ay tahay in la gaaro hufnaan maaliyadeed oo dalka uu yeesho.

“Waxaa sharaf inoo ah in ay noo suurowdo inaan meel marino, go’aankii Golaha Wasiirada ee ku aadanaa in qasnad uu daqliga dowladda uu ku soo dhaco, meel la wada ogyahayna uu uga baxo, annaga oo taasi u hoggaansameyna waxaan sameynay daqliyada yar yarka ah ee Wasaaradda soo gala inaan si dhameystiran aan ugu wareejino Wasaaradda Maaliyadda.” Ayuu yiri Wasiir Geelle.

sidoo kale Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda C/laahi Sheekh Cali Ibraahim (Qaloocow) ayaa sheegay hanaankan Maaliyadeed inuu damaanad qaadayo in si hufan loo maamulo daqliga dowladda.

Barnaamijkan lagu aruurinayo canshuuraha dalka ayaa qeyb muhiim ah ka qaadanaya la socodka canshuurta dalka, Wasaaradda Warfaafinta ayaa arrintan ku tilmaamtay mid muujineysa horusocodka dowladnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here