Home WARARKA Kilaafka Khaliij iyo Saamaynta uu ku leeyahay Soomaaliya Oo war laga soo...

Kilaafka Khaliij iyo Saamaynta uu ku leeyahay Soomaaliya Oo war laga soo saaray

126
0

Kooxda xasaradaha Adduunka ee magacooda loo soo gaabiyo ICG ayaa ka digay in khilaafka u dhexeeya Wadamada Carabta gaar ahaan khaliijka inuu saameyn ku yeesho Soomaaliya, iyada oo uu Ururku sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed labada dhinac lakala safteen.

War kasoo baxay ICG ayaa lagu sheegay in Khilaafka u dhaxeeya Wadamada Khaliijka gaar ahaan Qatar iyo Xulufada Sacuudiga in uu khatar ku yahay xasiloonida Soomaaliya.

Waxa ayna Siyaasiyiinta Soomaalida ugu baaqeen inay joojiyaan inay lakala jirsadaan dhinacyada isku haya khilaafka ka taagan Khaliijka, sida Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo iyo dowladda Qatar.

Sidoo kale Ururka xasaradaha Aduunka ICG ayaa ugu baaqay in wadahadal dhexmara dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxa uuna Ururka xusay hadii Soomaaliya ka dhacdo xasilooni daro dheeraad ah in ay ka faa’iiddeysan karaan Kooxaha Jihaad doonka ah.

Dowladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ka qaadatay khilaafka ka dhex aloolsan Dalalka Khaliijka, inkastoo Maamul goboleedyada dalka taageero umuujiyeen Xulufada uu Hogaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka islama Markaana ay dowlada ku eedeeyeen in ay dowlada la safatay Dalka yar ee Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here