Home WARARKA Gudoomiyaha Hadalka Kulul ee Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ka bixiyay...

Gudoomiyaha Hadalka Kulul ee Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ka bixiyay Jawaab laga filyay Xildhibaan ku baaqay in la dilo

216
0

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Somaliland , Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay hanjabaad la sheegay in ay uga timid Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Puntland.

Sida ay qorayaan qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland, Xildhibaan katirsan Baarlamaanka maamulka  Puntland ayaa ku baaqay in goob kasta oo lagu arko lagu dilo Hogaamiyaha Xisbiga Ucid eng. Feysal Cali Waraabo.

”Inankaasi iska hadlay maxuu i yeeli karaa, waxba igama qaado karo kaliya wuu iska hadlay, aniga alle ayaa ii qoray waqtiga aan dhimanayo, ninkaas hadlayna garaadkiisa un buu ka hadlay, waxaana leeyahay adeer waxbo ima yeeli kartid ee Naxliga iyo xumaanta iska daa” Ayuu yiri.

Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhex aloolsanaa Colaad ba’an tan iyo Markii ay Somaliland la wareegtay Deegaanka Tukaraq oo ku dhaw Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, uyada oo Xiisada ay ku baahday Magaaladaas oo ay ka socdaan Banaan Baxyo waa wayn oo u abaabulan qaab qabiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here