Home WARARKA Dowlada Sacuudiga Oo Sheegtay in Xabsiga Dhigtay Muwaadiniin Soomaaliyeed

Dowlada Sacuudiga Oo Sheegtay in Xabsiga Dhigtay Muwaadiniin Soomaaliyeed

301
0

Dowlada Sucuudiga ayaa sheegatay in Ciidamadda dalkaasi ay gacanta ku dhugeen dad ka ganacsanayay Maandooriyaha loo yaqaano Xashiiska oo ay ku jiraan Soomaali.

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xuduudaha Sacuudiga oo lagu magacaabo Talaal bin Cabid Al-Sakhiri ayaa tilmaamay in dadkaan laga qabtay goboladda dhaca koofurta Sucuudiga ee Jazan, Najaran iyo Casir in tii u dhexeeysay 5 tii iyo 18 kii Bishaan Ramadaan ee aan ku guda jirno.

”Waxaa la xiray 20 Ruux oo tahriibinayay 641 KG oo maandooriyaha Xashiishka ah, Sagaal ruux waxay u dhasheen Ethiopia,  Sagaal kalena Yamen halka Labo Ruuxna ay u dhasheen Somaaliya”.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay ku wareejiyay waaxda Cadaaladda si ay U dhameeystiraan Hanaanka Cadaaladeed ee u dhiman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here