Home WARARKA Al-shabaab Oo Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ku dilay Weerar Xoogan oo ka...

Al-shabaab Oo Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ku dilay Weerar Xoogan oo ka dhacay Magaalada Balcad

122
0

Wararka haatan naga soo gaaraya Magaalada Balcad ayaa sheegaya in koxda alshabaab ay weerar Kamiin ah ku dishay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle.

Inta u dhaxeysa degaanka Qalimow iyo degmada Balcad ayaa waxaa weerar jidgal ah galabta lagula barilmaameedsaday Masuuliyiin ka tirsan maamulka, Xildhibaan ciidamo ka tirsan Maamulka Hirshabelle.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Dagaalamayaal ka tirsan Shabaab gaar ahaan kuwa jugta culus ayaa wax yeeleeyay laba gaari oo midi ay saarnaayeen masuuliyiinta la galbinayay, halka kan kalena uu ahaa gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidan, sida ay inoo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.

Masuuliyiinta Hirshabeelle oo soo xiganaya ilo dhinaca Millitariga ah ayaa inoo sheegay in weerarkan lagu dilay laba xildhibaan oo ka tirsan Hirshabeelle, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Sheekh Cabdi Mukhtaar, waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii Raage Ceelle Muuse Afweyne, dhammaan xubnahan ayaa saarnaa gaari nuuciisa uu ahaa PRADO, sido kale Weerarka waxaa ku dhintay 7 askari oo la socday Xildhibaanada La dilay.

Ururka Al-shabaab oo durba sheegtay Musuuliyada Weeaeka ayaa sheegay in ay dileen 12 qof, waxa ayna uga hadleen baraha Bulshada oo ay wararkooda ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen in weerar jidgal ah ay u dhigeen kolonyo galbineysay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeele, halkaasina ay ku dileen 12 qof oo isugu jirta saraakiil iyo ciidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here