Home WARARKA Diiwaanka Fashilka iyo Guulaha Xukuumada Xasan Khayre

Diiwaanka Fashilka iyo Guulaha Xukuumada Xasan Khayre

215
0

Waxaa war iyo wacaal toone la la’yahay 14 Qodob iyo siyaado Amaro ah oo ay Sanad ka hor soo saartay Xukuumada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali khayre.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maalinimo Khamiis,oo ay taariikhdu ku beegantahay May, 11, 2017, kulan ku yeeshay Muqdisho, waxaana shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa amniga iyo xasilinta dalka iyo Shirka London oo maalin kahor Furmay.

Khamiis, May, 11, 2017 Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya

Golaha Wasiirada ayaa ayaa maalinkaas waxa ay war bixin Ka dhagaysteen Taliyeyaasha ciidamada ee Booliiska, Xooga Dalka iyo Nabad-Sugida oo hada Gabigood la badalay qaarkoodna iyaga is casileen.

Warbixin lagu sheegay in ay tahay mid tifatiran lana xiriirta sugida amniga iyo nabadeynta dalka ayaa golaha ayaana ka dhagaysteen taliyaashii shaqada laga eryay oo kala haa:-

1. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jan. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid
2. Taliyaha Hay’adda Nabadsugida C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe
3. Taliyaha Ciidanka Boliiska Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid)
4. Taliyaha ciidanka Asluubta Jan. Xuseen Xasan Cismaan

Taliyaashii Xilka laga qaaday iyo Golaha Wasiirada iyo sawirka Madaxwaynaha

waxa ayna ku biiriyeen sida ay tilmaameen Sanad ka hor talooyin iyo habraac wanaagsan oo loo mari karo Sugida Amniga.

Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay, waxa ayna Cod uqaadeen go’aamada lagu sugayo amniga taas oo dhammaan xubnaha golaha wasiirada ay si wadar-oggol ah (cod aqlabiyad leh) isagu raaceen go’aamadan:

  • 1. In la sameeyo ciidanka howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.
  • 2. Caasimadda Waxaa laga mamnucay ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-  a. Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,
    b. Aan wadanin warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah Ciddii ku xadgudubta awaamiirtan, waxay mutaysan doonaan in Sharciga lala tiigsado.
  • 3. Ciidamada XDS ee ka qayb qaadanaya Howlgalka Xasilinta Caasimadda, waa inay ka midyihiin HORIN “Polizia-Militariya”.
  • 4. Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.
  • 5. Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa mas’uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka & Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.
  • 6. Waxaa laga mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.7. Iyadoo la fulinaayo jiheynta & Tilmaamaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay Guddiga Amniga Qaranka go’aamiyeen in Degmada Afgooye ay ka mid noqoto Howlgalka xasilinta Caasimadda.

    8. Waxaa Taliska Ciidanka Boliiska laga doonayaa in muddo 60 casho ku eg ay ku soo dhisaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.

    9. Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.

    10. Ilaalada Goobaha Ganacsiga sida Hoteelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay mas’uul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan Ciidamada Amniga.

    11. Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.

    12. Howlgalka xasilinta Caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana Ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan & qalab waa inuu ku wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.

    13. Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka & Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hay’adaha amniga.

    14. Wasarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka wuxuu mas’uul ka ahaan doonaa:-

    a. Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.

    b. Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madax-banaan.

HOOS KA AKHRISO WAXA KA QABSOOMAY IYO KUWA LAGU FASHILMAY

Hadaba Maxaa ka hir galay 14 ka qodob ee ay wasiiradu Sanad ka hor Ansixiyeen, waa lagu guulaystay In la sameeyo ciidanka howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.

Qodobka labaad oo tilmaamaya in magaalada laga Mamnuucay Gaadiidka agaalka iyo Hubka waawayn ayaana ka qabsoomin wax sidaa usii qoto dheer.

iyada oo ay ciidamada isku dhaf ah ee loogu magac daray xasilinta Caasimada ay dhowr maalin magaalada ka wadeen howlgalo loo aayay oo in badan wax looga qabtay Qowlaysata hubka kala duwan ku dhibaataysa shacabka, balsa Nasiib daro halka laga sii hor marin lahaa waxaa dib loogu laabtay halkii ay ka soo kici timtay.

Golaha Wasiirada waxa ay maalinkaas sidoo kale soo saareen in Caasimada laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi, qodobkaan asigane waxba kama dhaqan galin oo waxaa Dharka ciidanka ka heli kartaa suuqa iyo goob kasta oo magaalada ka mid ah.

Qodobka Shanaad waxaa ku cad Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa mas’uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka & Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo ku siman 10 casho, qodobkaan asiga ma hir galin Siyaasiyiinta iyo horjoogayaasha qabaailada ayaa Hubka sharciyaysan ee Dowlada ku dhex haysta Magaalada, iyaga oo Dad iyo dowladane ku dhibaateeya.

sidoo kale waxaa asne waxba laga qaban qodobka lixaad oo sheegay in laga mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47, qodobkaan ayaana maalin qura dhaqan galin, siyaasiyiinta dowlada kan ugu yar ayaa waxaa waardiyeeya 7 askari, iyada oo ay siyaasiyiinta iyo xildhibaanada iyaguna leeyihiin ilaalo ukhaas, waxa ayna ukala hub badan yihiin sida ay ukala suuq badan yihiin.

Waxaba lagama samayn qodobka 7aad ee shaagay in Iyadoo la fulinaayo jiheynta & Tilmaamaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Amniga Qaranka go’aamiyeen in Degmada Afgooye ay ka mid noqoto Howlgalka xasilinta Caasimadda, degmada Afgooye waxaa ka jira Dhibaatooyin is biirsaday oo ay qayb ka yihiin Ciidamada Dowlada oo ay degmada utaal Isbaarooyin lacago badan looga qaado dad.

Halkaan ayaa ku hakin doonaa Aniga Oo qayb kale ka soo diyaarin oono Todobada Qodob waxa uga qabsoomay Amaradii Xukuumada Khayre ee 11/May/2017 ka soo saartay Shirka Golaha wasiirada

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here