Home WARARKA Axmed Madoobe Oo diiday in uu Farmaajo la kulmo

Axmed Madoobe Oo diiday in uu Farmaajo la kulmo

158
0

Wararka laga helayo Magaalada Nirobi ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Maamulka Jubabaland uu ka baaqday kulan ay ku balan sanaayeen Madxwayne Farmaajo iyo madaxda Mamulada Hirshabelle, Koofur galbeed iyo Jubabaland.

iyada Magaalada uu ka dhacay Kulanka Saxaafada dibad Joog ka ahdy oo udhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Mas’uuliyiinta Soomaalida, sida Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Aadan Ducaale, Xildhibaan Yuusuf Xasan iyo Xildhibaan Yuusuf Xaaji.

Madaxweynayaasha Koofur Galbeed Shariif Xasan iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa ka wada hadlay sidii loo dhamayn lahaa xurgufta ka dhaxeysa dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, waxaana jiray isku dayo la doonayay in lagu kulansiiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, balse illaa xalay ma suura gelin.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa Axmed Madoobe ayaa dowlada ku eedeyay, in ula la safatay Dowlada, dalka Qatar, sidoo kale ay xumeysay xiriirkii Imaaraadka.

Axmed Madoobe ayaana diidan in uu la kulmo Madaxwaynaha Soomaaliya iyada oo magaalada Nirobi ay ka socoto waan waan lagu xalinayo Madoobe iyo farmaajo taas oo ay qayb ka yihiin madaxda Koofur galbeed iyo Hirshabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here