Home WARARKA MUQDISHO: Rag Weerar Dad badan lagu laayay gaystay Oo saakay Xukun Dil...

MUQDISHO: Rag Weerar Dad badan lagu laayay gaystay Oo saakay Xukun Dil ah lagu Xukumay

278
0

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida Dowlada Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa saakay xukuno dil ah ku riday sadex ruux oo ka dambeeyay weerar dad badan lagu laalay, kana Dhacay Hotel Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Maxkamada Darajada Koobaad ayaa soo gabo gabeeysay dhageysiga dacwada loo heestay eedeesanayaashan oo lagu kala Magacaabo, Farxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan, iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule, waxaan ragan lasoo qabtay iyaga oo hubeesan oo weerar geesanaya.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in ragan lagu helay dacwadihii lagu soo oogay, waxa uuna Cadeeyay in Maxkamada ku riday xukuno Toogasho ah.

Waxa uu sheegay Shuute in ragan la xukumay ka qeyb qaateen weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood 2 taariikhdu markey aheyd 28-October 2017, waxa uuna xusay in weerarkaasi lagu dilay 18-ruux sidoo kale lagu dhaawacay 43-qof oo kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here