Home BULSHADA MUQDISHO: 40 Jir lagu eedeeyay In uu Fara Xumeeyay Gabar 11 Sno...

MUQDISHO: 40 Jir lagu eedeeyay In uu Fara Xumeeyay Gabar 11 Sno jir ah

463
0

Ciidamada Amaanka ayaa Gacanta Ku dhigay nin Da’a ahoo lagu eedeeyay in uu Gabadh yar oo11 jir ah Fara xumeeyay, Horjoogaha degaanka Garasbaaley oowarbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen nin Da’diisa ay la egtahay 40 sano oo kufsi u gesytay gabar yar oo 11 sanojir ah.

C/raxmaan Axmed Cali (Garyare) ayaa sheegay gabadhan ee 11 jirka ah ay reerkeeda ku nool yihiin magaalada Jowhar, ayna ka soo wadatay Haweeney si ay ugu shaqeyso, waxaana mudane ay ku nooleed agaggaarka COCA-COLA.

sidoo kale waxa uu sheegay in markii dambe gabadha in loo soo wareejiyay degaanka Garasbaaley, halkii markii hore ay joogtayna uga soo tagtay arrimo jiro darteed, kadibna ay la kulantay dhibaatadan.

Guddoomiyaha ayaa Xaqiijiyay in Gacanta lagu dhigay, gabadha masuulka ka aheyd iyo ninkii falka gaystay hadane ay ku jiraan Gacanta Laamaha Amniga.

“Saddex maalin kahor ayaa ka dhacday degaanka, taasi oo ah in gabar yar oo 11 sano jir ah uu kufsaday nin 40 sano jir ah, gabadha markii hore waxaa laga keenay magalada Jowhar, si ay ugu shaqeyso qoys degan degaanka, Hay’adaha amniga ayaan u gudbinay Islaanta masuulka ka aheyd gabadha iyo ninka falka geystay.” Ayuu yiri Gudoomiye Garyare.

Ehelada gabadha lagu dhibaateeyay degaanka Garasbaaley ayaa dalbaday in maxkamad la soo taago dambiilaha dhibaatada u gaystay gabadhooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here