Home WARARKA Mid Ka Mid ah Ajaanibta Alshabaab Oo lagu Xukun Adag Lagu Rogay

Mid Ka Mid ah Ajaanibta Alshabaab Oo lagu Xukun Adag Lagu Rogay

59
0

Mid ka mid ah Dagaal yahanada Alshabaab ugu yeeraan Muhaajiriinta ee kaga soo biira wadamada Caalamka, ayaamarkaan waxaa lagu xakumay Xabsi Mudo dheerah.

Hadal ka soo baxay Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Maalik Alim Jones oo ah 33 jir, lagu helay in uu ka soo bar bar dagaalamay Kooxda Alshabaab isla markaana Lagu xukumay Xabsi dhan 35 sanno ah.

Maalik Alim Jones oo ah qof Madow Muslim kana mid ah Madawga Aslka ah ee Maraykanka, ayaa lagu eedeeyey inuu ku biiray, kana soo barbar dagaalamay Xarakadda Alshabaab ee ka dagaalanta Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Maalik Alim ayaa lagu eedeeyay in u soo safray Soomaaliya sannadkii 2011-kii, si uu tababar iyo dagaal kala qeyb galo Kooxda Alshabaab sida ay ku soo eedeysay Dacwad oogatada.

Cadaymo Muujinaya in Alim uu ku biiray alshabaab kana soo laabtay ayaa Maxkamada la hor geeyay, waxayn tilmaamayaan in uu Maalik Alim uu xubin ka noqday Ciiddanka Jaysh Ayman ee ka tirsan Xarakadda Alshabaab, isla markaana uu kala qeyb galay Dagaalo ay la galeen Ciiddanka Dowladda Kenya.

Qaadiga Xukunka ku riday Ninkaan oo lagu magacaabo Paul Gardephe oo ka tirsan Maxkamadda Heerka Degmo ee Manhattan ayaa ku dhawaaqay inuu Maalik Alim Jones ku xukumay xabsi 35-sanno ahoo ay raacsan tahay 5 sano oo xaaladiisa kor lagala Soconayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here