Home WARARKA Hogaamiyaha Hirshabelle Oo Beeniyay in looga yeeray Imaaraatka Carabta

Hogaamiyaha Hirshabelle Oo Beeniyay in looga yeeray Imaaraatka Carabta

70
0

Hogaamiyaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu u aaday dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Waare ayaa sheegay in aadida Imaaraadka aysan ahayn dambi, balse aanu aadinee uu howlo u gaar ah u joogo magaalada Nairobi.

“In Imaaraadka la tago dambi ma ahan, laakiin waxaa ku suganahay magaalada Nairobi oo aan maalmahan howlo gaar ah aan u joogay, maalinta jimcaha ayaa Muqdisho tagayaa oo aan uga gudbayaa shirka Amniga ee Baydhabo ka dhacaya”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Qaar ka mid ah Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay qabsaday warar sheegaya in Hogaamiyaha Hirshabeelle u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay sheegeen in loo yeeray.

Nairobi ayaa haatan waxaa ku sugan Madaxweynaha Dowlada Feadaraalka, iyokuwaMaamulada, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland, waxaana socdaalkooda ahaa kuwo kala gaar ahaa oo marba Mid uu tagay magaaladaas

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here