Home WARARKA Ciidamada Xasilinta Muqdisho Oo Caawa Howlgalo ka wada Degmooyin Xaaladooda Amni ay...

Ciidamada Xasilinta Muqdisho Oo Caawa Howlgalo ka wada Degmooyin Xaaladooda Amni ay liidato

216
0

Howlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka oo Caawa laga sameeyay Degmooyin ka tirsan Gobalka Banaadir, Ciidamada Xasilinta ayaa waxa ay Howlgalo kala duwan ka wadaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa Maalmihii ugu Danbeeyay Xaaladooda Amni ahayd Mid aad uliidata.

Howlgallada oo ay Hor kacayaan ciidamada Saraakiil sar sare oo ka mid ah Hogaanka Ciidanka ayaa waxa ay ka wadaan Xaafado ka tirsan degmooyinka Waaberi iyo Wadajir, iyo qaybo ka mid ah Degmada Hodon, xilli saacadihii la soo dhaafay ay dilal qorsheysan ka dhaceen.

Ciidamada Amanka ayaa dadwaynaha maraya Wadooyinka waa wayn iyo kuwa Xaafadahaas ku amraya in ay istaagaan iyaga oo baaritaano ku sameynaya, waxana ciidamada qaar ay baarayaan Guryaha ku yaala degmooyinkaas qaarkood.

Ciidamada amniga ayaana weli wax faah faahin ah ka soo saarin howlgalada Caawa ka socda Magaalada iyo waxa ay ku soo qabteen in uu howlgalku socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here