Home WARARKA Cadayn: Madaxweyne Farmaajo, oo kulansaday Safarro Badan, Heshiisyo Badan, hadane aan waxtar...

Cadayn: Madaxweyne Farmaajo, oo kulansaday Safarro Badan, Heshiisyo Badan, hadane aan waxtar lahayn.!

219
0

Madaxwaynaha Dowlada Fedaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa waxa uu dalka dibada uga Dhoofay Tiro kor udhaafaysa 25 jeer, mudo ku siman sanad iyo 3 bil oo xukunka hayey, Xila kasta waxaa la soo bandhigaa Qoraal Ama Muuqaal Kooban oo La soo galiyao Boga Facebook ga ee VILLA SOMALIA, kaas oo lagu sheego in Madaxwaynhu soo galay Heshiisyo kukacaya malaayiin dollar.

iyada oo ay isku mid Noqotay joogistiisa iyo bixistiisa Madaxwaynaha, waxayna umuuqdaan Safaradiisa kuwa dalxiis, Sababta ayaana ah maanta haddii uu dalka ka tago malahan dhaxal lagu xusuusto.!!

Waxaana Tusaalooyin Cad cad kuugu Filan Heshiisyo la sheegay in Horay loola galay Dowlado iyo shirkada Ama hay’ado dalal kale laga leeyahay oo la sheegay in uu ku kacayaan Malaayiin Dollar.

Waxaana ka mid ah Heshiisi horumarineed ee ay kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta ee (USAID) oo lacag dhan $300 milyan ku bixineysay, looguna talogalay arrimaha maamul wanaagga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka, taas oo ilaa hada Cid meel ku sheegta aan lahayn.!!

Sidoo kale waxaa jiray Heshiis asigane ku kacayay $200 milyan oo Dollar ka Maraykanka ah kaas oo Xukuumada Xasan Khayre ay ku tilmaamatay Heshiis loo baahnaa kuna soo aaday xil dalka ubaahnaa, wxaana ugu dambaysay maalinkii la saxiixay heshiiska, iyada oo sidoo kale aan la hayn Balan qaadka Qatar ee ahaa in ay ka qayb qadan doonto Kabida Miisaaniyada, Gargaarka iyo mashaariicda kale ee Hormarinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho ku tagay Sacuudiga kaliya asiga Oo ah Madaxwaynaha dalka 16 maalmood kaliya, isaga oo magaalada riyaad kula kulmay boqor Salmaan iyo mas’uuliyiin kale, Madaxwaynaha Marka uu muqdisho yimid waxa uu qabtay shir jaraa’id ku sheegay heshiisyo muhiim ah iyo wax yaabihii ka soo baxay safarka.

Madaxwaynaha waxa uu tilmaamay in uu Sacuudiga kala hadlay xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Sacuudiga, duruufaha Soomaaliya heysta, abaaraha, cunaqabateynta xoolaha, dib u dhiska dalka, kabidda miisaaniyadda, waxaa ay Sacuudiga ballan-qaadeen sida uu sheegay in ay dhisayaan dhismayaasha dumay ee xafiisyada dowladda oo baarlamaanka ka mid yahay, dhismaha waddooyinka dalka isku xira iyo Airporti cusub, arrimahaas oo madaxweyne Farmaajo sheegay in Sacuudiga ay fulin doonaan.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay in Wasiir kasta uu la kuolmi doono Wasiirka Dhigiisa ah ee dalkaas, isla Markaana ka wada Xaajoon doonaan sidii loo fulin lahaa Heshiiskaas oo la sheegay in uu ku kacayay 4 bilyan.

Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa waxaa kale oo uu booqday April 26, Sanadkii hore Dalka  Turkiga waxxaana lakala saxiixday heshiiyo Muhiim sida war saxaafadeed lagu sheegay kaas oo aan lahayn biyo dhaciisa iyo halka uu ku dambeeyay.

War saxaafadeedka ay Dowlada Soo saartay ayaa lagu yari “Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiya ayaa kala saxiixday heshiisyo is afgarad ah oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha iyo isweydaarsiga hiddaha iyo dhaqanka.

hishiiskaan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar, halka Turkiya uu u saxiixay Wasiirka Horumarinta Mudane Lutfi Elvan”

Safarada Madaxwaynaha ayaa keenayay Xiisad Diblomaasiyeed taas oo dalku u ahayn Dan Guud, marka laga fiiriyo xiisada Khaliijka oo uu ku milmeen Safarada Madaxwaynaha oo xitaa Dowlada ukala dhuumato.

Madaxwayne Farmaajo ayaana Tagay Dalka Sacuudiga Mudo Afar Jeer ah mana jirto Cid si madax banaan ucadayn karta waxa laga wada hadlay.

Madaxwaynaha ayaana ku soo fashilmay Ujeedadii uu sacuudiga utagay Bishii September 26, sanadkii hore taas oo ahayd Booqashadii Sadaxaad, ka dib Booqashadii ugu horeysay ee dalka ka baxo, Tii dalalka Islamka iyo Madaxwaynaha Maraykanka oo ka dhacday Sacuudiga, midaan dhacday 26, septemper oo ujeedkoodu ahayd in culeyska laga yareeyo marka laga hadlayo go’aanka dhex-dhexaadnimada ah ay qaadatay Dowlada Soomaaliya ee ku aadan Xiisada Ka dhex taagan Dalaka Khaliijka iyo qatar.

Waxaa sidoo kale Madaxwaynhu booqday laba mar oo kala Duwan Imaaraatka lamana haayo wax dhab ah oo ka dhqan galay, midkood maba la garanayo Ujeedka Safarka, booqasho deg deg ah oo dhacday Taariikhda marka ay ahayd 10, april sanakii hore ee 2017, Madaxwaynhu ku tagay isla  Imaaraatka ayaa waxaa laga soo saaray War saxaafadeed waxna lagu yiri.

“Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada, burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga, socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay”.

Booqashadii ugu dambaysay dalalka khaliijka ayaa ahayd tii dhacday Bishaan aan hada ku jiro 13 keeda, waxa ayna ka dhigan tahay Booqashadii labaad ee madaxwaynaha ku tago dalka qatar ee qaniga ah, lamana oga waxa ka dhaqan gali doono heshiisyada.

Wsiirka qorshaynta oo war bixiyay Safarkii ugu danbeeyay ee madaxwaynaha ayaa yiri “Waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dowladood dhammaantood waa la isku afgartay, haddii Alle idmana fulintooda ayaa bilaabaneysa dhawaan. Sanadkii hore heshiisyo ayaan galnay sida jidad, mashaariic waxbarasho iyo kuwa shaqo abuur ah. Intiiba way socdaan. Waxaan rajeynaynaa Insha Allaah shaqooyinka noo yaalla in sida ugu dhakhsiyaha badan iyo waqtiga loogu talagalay aan ku fulinno.” .

Waxaana Hada gaaray Madaxwayne Farmaajo Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka kenya lama Oaga Sababta iyo Ujeedkashirka ka dambaysa.

Balsa Xan hoose ayaa sheegayso war ay horay usheegtay Wasiirada garoonka Ku soo dhawaysay ee ah in labada dal ka waa hadlaan Muran badaeedka Somaliya iyo kenya, waloow uu horay udiiday wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad.

Ugu danbayn, Madaxwayne Farmaajo ayaa dalka ka baxay 25 jeer 8 ka mid ah Safardaas waxa uu ku tagay Dalalka Khaliijka oo Dagaalkiiiyo xiisadii ka dhaxaysay u rogmatay mid ay ku dhibtoodaan shacabka dhibaatada la daalaan dhacaya mudada 30 ka sano ah.


ku xirnaaw
Caalamka Online
Caalamka@yahoo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here