Home WARARKA Xildhibaan Hussein Idow Magacaabista Madaxwaynaha ee G. Maxkamada Sare waxay ku fadhisaa Sadex...

Xildhibaan Hussein Idow Magacaabista Madaxwaynaha ee G. Maxkamada Sare waxay ku fadhisaa Sadex Qodob oo soo jireen ah

293
0

Xildhibaan Hussein Idow oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaasheegay in ayansax tahay Magacaabista Madaxwayne Farmaajo ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ayku fadhiso Magacaabida Madaxwaynaha Sadex qodob oo soo jireen ah isla markaana aanlaga hor imaan karin.

Hoos ka akjhriso qoraal uu soogaliyay Bogiisa Facebook ga

MAGACAABISTA MADAXWEYNAHA EE GUDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE WAXAY KU FADHISAA SEDAX QODOB OO SOO JIREEN AH:

Qodobka 109A ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu asaasayaa dhismaha Golaha Adeega Garsoorka oo kooban 9 xubnood.

Sida ku cad farqada 6aad ee isla qodobka 109A, Golaha Adeega Garsoorku wuxuu magacaabaa, rukhseeyaa, anshax mariyaa isla markaana bedelaa garsoorayaasha heer federaal.

Magacaabista Madaxweynuhu magacaabay Gudoomaha Maxkamadda Sare maalintii shalay waxay ku fadhisaa sedax qodob oo soo jireen ah:

(1) Golihi adeega garsoorka ee shaqaaleyn lahaa garsoorayaasha heer federaal oo aan dhisneyn, laba jeer ayuu Baarlamaanki 9aad soo celiyay xubnihi la horgeeyay, Baarlamaanka 10aad ee hada jirana wuxuuba dib usoo celiyay habraaci dhismaha Golaha Adeega Garsoorka.

(2) Musuqa iyo cadaalad darrida baahsan ee dalka ka jirta taasoo saameyn xun ku yeelatay nolosha Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

(3) iyo Curfiga soo jireenka ah ee ahaa in Madaxweynaha xilka haya magacaabo garsoorayaasha sar sare ee heer federaal inta laga dhisayo Golaha Adeega Garsoorka taasoo ay ugu danbeysay magacaabistii uu Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan 4ti Bishii May 2016.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here