Home WARARKA Xaalada Degmada Waabari oo qasan, Kooxo Hubaysan oo dil gaystay & kuwa...

Xaalada Degmada Waabari oo qasan, Kooxo Hubaysan oo dil gaystay & kuwa kale oo la qabtay

264
0
Kooxo hubaysan ayaa saacad ka hor waxaa qeybo ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ay ka geysteen dil, iyaga oo durbadiiba goobta ka baxsaday.
Ruux Goobjooge ah ayaa sheegeen in rag aan la garaneyn ay toogteen qof la tilmaamay in uu ahaa rayid, kaas oo aakhirkii ku geeriyooday isla goobta.
waxaana Cadayn Sababta ka dambeysa in la khaarijo lama oga waxa uu qaban jiray, marka laga reebo in dadka qaarkood ay sheegeen in uu ahaa qof Shacab ah.
Dhanka kale waxaa Israsaaseyn kooban ayaa galabta casar ka dhacday isladegmada Waabari gaar ahaan meel ku dhow buundada Ansalooti oo ay bar Kantarool ku leeyihiin ciidamada xasilinta.
Maamulka Degmada Waabari ayaa sheegay in la qabtay laba nin oo ku hubaysanaa Bambooyin iyo bastooladowaxa ayna sheegeen in hada ay gacanta Dowlada ku jiraan.
Maamulka ayaa sii raaciyay in labada nin ee la qabtay midkood uu ku dhaawacmay israsaaseynta dhexmartay iyaga iyo ciidamada amaanka, iyagoo xusay in sidoo kale gacanta lagu dhigay bastoolado iyo bambooyin ay wateen.
Mid ka mid ah dadka deeganka ayaa sheegay in iska horimaadku uu bilowday ka dib markii ay ciidamo xasilinta oo bar control ku leh buundada Ansalooti ay joojiyeen labo nin oo ay shakiyeen.
“Ragga laga shakiyey markii la joojiyey bastoolado ayey iska soo jareen, waxayna rasaas kooban isweydaarsadeen ciidamada xasilinta, iyagoo isku dayey iney baxsadaan, midkoodnma wuxuu ku cararay dugsi quraan” ayuu yiri
 
 
 
 
 
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here