Home WARARKA Ra’isul Wasaare Khayre loogma Baran Shaqo Joogto ah iyo Balan Fur

Ra’isul Wasaare Khayre loogma Baran Shaqo Joogto ah iyo Balan Fur

245
0
Sida aad la socotaan Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre meel kasta oo uu tago waxa uu ka dhawaaqaa hadalo ad adag iyo shaqooyin Muhiim oo aan waxba laga Laga qaban.
 
Ra’isul Wasaare Khayre ayaa horay U sheegay in shirka Golaha wasiirada lagu qaban Doono magaalo kasta oo ka mid ah Dalka iyada oo hal mar lagu qabtay Magaalada Kismaanyo inta ay Xukuumadiisu Jirto.
 
Waxaa ay go’aansatay in ammaanka Muqdisho lagu wareejiyo Maamulka gobolka Banaadir, si wax looga qabto Amaanka Guud ee Gobalka, waxne looga waydiiyo Amaan darida ka jirta Magaalada, laamaha Amaanka Gobalka, waaxyaha, Degmooyinka iyo kuwa Gobalka.
 
Soo xasuuso Bishii May ee sanadkii hore waxaa qorshahan oo kale RW Kheyre ula tagay Gudoomiyhii Hore ee Gobalka Thabit Cabdi Maxamed, waana lagu diiday, markii uu doonayey inuu xoog wax ku xaliyo waa tii la ceyriyay.
Sidoo kale waxaa lakala diray Ciidamadii Xasilinta ee lagu dhisay soo-jeedintii Thabit, iyada oo aan lasoo bandhigin sababta iyo xataa qiimeyn ku saabsan wixii ay qabteen muddadii Sanadka Kor udhaafaysay ee ay joogeen.
 
Arinta ugu badan ee haysta ayaa ah in Xukuumada uu hogaamiyo Rw Khayre ay talaab deg deg ah qaado iyada oo aan darsin taas oo aakhirka dhibaatoi ku noqonaysa Hanaanka Geedi socodka Nabada iyo dib usoo kabashada Dalka.
 
Waxaana la qaba Arinkaas Madaxwaynaha Jamhuuriyada Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo sameeyay sidoo kale balamo fara badan oo aan waxba laga qaban, waxaana ka mid ahaa in aan la xiri doonin Wadooyinka Xiliyada madaxda soconayso magaalada, in la abaal marin doono cidii gacan ka gaysta ka hor taga falalka ay gaystaan Alshabaab iyo Kooxha la mid ah.
 
Tan ugu danbayso oo ah Dadwaynaha iyo warbaahinta ayaana qaaday Doorkii ay ku lahaayeen Balamaha Beenta ah ee maalin kasta lagaga Baxo mana jirto ilaa hada cid kula xisaabtsanta balan qaadyada joogtada ah ee waxba laga qaban.

Caalamka Online
Xafiiska Muqdisho
Caalamka@yahoo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here