Home WARARKA Qareenno sheegay in Madaxwayne Farmaajo 5 Qalad Ka Galay Garsoorka.

Qareenno sheegay in Madaxwayne Farmaajo 5 Qalad Ka Galay Garsoorka.

202
0

waxaa sii badanayo Falanqaynmaha iyo Aragti ka dhiibashada ku aadan qaabka loo maray Xil ka qaadista iyo Magcaabista Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka, Baaris iyo xog waraysi lala yeeshay Qareeno Soomaaliyeedka ayaa aakhirkii waxa ay cadeeyeen in uu madaxwaynuhu galay, Shan qalad oo waa wayn kuwaas oo uu ka galay Garsoorka Qaran.

Sida uu ogaaday wariye Soomaaliyeed oo lagu laguna Magacaabo Abdi Aziz Ahmed Gurbiye oo xriir la sameeyay Qareenno isla markaana waydiiyay Arinka Maxkamada Sare iyo sida ay usocdaan waxa ay sheegeen in uu jiro 5 Qalad uu madaxwaynhu Ka Galay Garsoorka?.
Hoos ka akhriso Qodobada lagu eedeeyay Madaxwaynaha ee ah.

1. Guddoomiyaha shaqada laga diray Ibarahim Iidle waxaa uu madaxweynahu sheegay in cabasho ka timid, sida caadiga waxaa ay aheyd xataa haddii soo-jeedinta keenaan guddiga aan la dhisin ee adeegga garsoorka inuu madaxweynaha qabto tribunal si qofka lasoo eedeeyay la wareysto, uuna helo fursad isku difaaco, taasi lama sameyn ee waa la iska ceyriyay!

2. Dunida kale jagadan waa loo tartamaa waxaa la qataa “Sheekh al minha” oo ah qofka ugu aqoonta, khibradda iyo xikmadda badan, taasina ma dhicin!

3. Waxaa uu magacaabey ruux aan weligiis qaadi noqon, iyada oo dalkan ay joogaan dad sida Cabdi Qawiga Maxkamadda ICJ oo kale!

4. Magacaabistan waa Baahi siyaasadeed oo madaxweynaha doonayo qof isaga u adeega, si looga hortago rabshad ay casilaad ka mid tahay!

5. Madaxweyne Farmaajo bishii June ee sanadkii hore ayuu qabsaday inuu 3 bil gudahood garsoorka wax ugu qaban- doono, tani waa shaqadii ugu horeysay ee uu qabto.

Dhanka kale waxaa jira Xildhibaano si kulul uga hadlay Arintaan iyo kuwa diifacay Gudoomiyaha Cusub ee xil ka qaadista iyo Magacaabista uu sameeyay Madaxwaynaha.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo qoraal uu kaga hadlyo Arintaan soo galiyay  bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in ay tahay Arinta uu madaxwaynaha ku dhaqaaqay Ku tagri fal awoodeed, asiga oo tilmaamay in Madaxweynaha looga baahan yahay inuu xuso qodobada Dastuurka ama xeerarka Garsoorka uu u cuskaday xil ka qaadista Garyaqaanka Maxkamada Sare ibraahim Iidle.

“Madaxweynaha waxaa looga baahan yahay in uu xuso qodobada dastuurka ama xeerarka garsoorka uu u cuskaday xilka qaadista garyaqaan Iidle, iyo Magacaabista garyaqaanka Cusub, haddii dastuurkii aan la cuskan ama garsoorki xeerarkiisa aan la raacin,waxay u egtahay ku tagri fal awood iyo Garsoorka oo noqday mid aan ka madax banaaneyneyn Madaxweynaha, hadiiba uu wixii uu doono ka sameynayo,bsidoo kale baarlamaanka Soomaaliya waxaa waajib ku ah in sida ugu dhaqsiyaha badan arinkaan ugu fariisto”ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Sidoo kale waxaa jiro waxaa difaacay Xildhibaan Hussein Idow oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka ah ee Soomaaliya kaas oo difaacay xil ka qaadista Madaxwaynaha sameeyay, waxa uuna sheegay in Magacaabista Madaxwaynaha ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare ay ku fadhiso Sadex Qodob oo soo jireen ah waxa uuna ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bogiisa Facebook ga.

Hoos ka akhriso qoraalka uu soo galiyay Facebook

MAGACAABISTA MADAXWEYNAHA EE GUDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE WAXAY KU FADHISAA SEDAX QODOB OO SOO JIREEN AH:

Qodobka 109A ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu asaasayaa dhismaha Golaha Adeega Garsoorka oo kooban 9 xubnood.

Sida ku cad farqada 6aad ee isla qodobka 109A, Golaha Adeega Garsoorku wuxuu magacaabaa, rukhseeyaa, anshax mariyaa isla markaana bedelaa garsoorayaasha heer federaal.

Magacaabista Madaxweynuhu magacaabay Gudoomaha Maxkamadda Sare maalintii shalay waxay ku fadhisaa sedax qodob oo soo jireen ah:

(1) Golihi adeega garsoorka ee shaqaaleyn lahaa garsoorayaasha heer federaal oo aan dhisneyn, laba jeer ayuu Baarlamaanki 9aad soo celiyay xubnihi la horgeeyay, Baarlamaanka 10aad ee hada jirana wuxuuba dib usoo celiyay habraaci dhismaha Golaha Adeega Garsoorka.

(2) Musuqa iyo cadaalad darrida baahsan ee dalka ka jirta taasoo saameyn xun ku yeelatay nolosha Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

(3) iyo Curfiga soo jireenka ah ee ahaa in Madaxweynaha xilka haya magacaabo garsoorayaasha sar sare ee heer federaal inta laga dhisayo Golaha Adeega Garsoorka taasoo ay ugu danbeysay magacaabistii uu Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan 4ti Bishii May 2016.

Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, 27 bishaan waxaana wali taagan hadal hayntiisa iyadoo Gudoomiyihii xilka laga qaaday Ibraahim Iidle Suleymaan, uu diiday in uu madaxwaynuhu awood uleeyahay in uu xilka ka qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here