Home WARARKA Magaalo ku Taala Xuduudka Soomaaliya iyo kiinya oo Baqdin galin iyo Xaalufin...

Magaalo ku Taala Xuduudka Soomaaliya iyo kiinya oo Baqdin galin iyo Xaalufin Joogta ah lagu haayo

84
0

Qosas fara badan ayaa ka qaxaya Magaalada Liboyo ee ku taala Xuduuda Soomaaliya iyo Gobalka BFD ee kenya Maamusho.

Xildhibaanka laga soo doortay degaanka Dadab Maxamed Daahiye Ducaale oo ay magaalada Liboy ka tirsan tahay deegaankiisa ayaa sheegay in saddex qof la afduubtay bishan aanu ku guda jirno.

Waxa uu intaa ku daray in ay tuhunsan yihiin in ciidamada ammaanka ay ka dambeeyaan dadka la afduubtay ee la la’yahay.

Dr. Daahiye ayaa xusay in dadka la afduubay uu ka mid yahay nin Imaam ka ahaa Masaajidka ugu wayn magaaladaasi Liboy.

Afduubka ka dib ayuu sheegay in dadka magaalada Liboy ay arrintan ka argagaxeen isla markaana ay qaarkood magalada isaga carareen oo ay aadeen magaalada Dhoobley ee ku taalla Soomaaliya.

Xildhibaan Daahiye ayaa sheegay in arrintan ay dowladda kala hadleen balse ay saraakiisha u sheegeen in aysan ka war hayn ayna baaritaano ku sameyn doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here