Home CAALAMKA Koox la baxday Alshabaab oo Dad ku dishay Dalka Mozambique

Koox la baxday Alshabaab oo Dad ku dishay Dalka Mozambique

425
0

Urur Hubaysan oo lagu Magacaabo Alshabaab ayaa dalka Mozambique waxa au ku laayeen dadwayne udhashay dalkaas, waxaana la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin maleeshiyaadkaa hubeysan kooxda Alshabaab ee Soomaaliya.

Kooxda la baxday Alshabaab waxa ay dad ku dileen tuulo lagu magacaabo Monjane oo ka tirsan gobolka Cabo Delgado.

Dadkan la diley ayaa la sheegay in ay carruur ka mid ahaayeen kuwaas oo dhammaantood qoorta laga jaray sida laga soo xigtey dadka deegaanka.

Kooxdaan la magac baxay Al-Shabaab oo aan la ogeyn in uu xiriir la leeyahay Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kooxda ayaa weeraro goos goos ah ka fulisa gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique.

Sida la sheegay Kooxda ayaa la aasaasay sanadkii 2015, waxaana ay taageersan yahiin ama raacsan yihiin Sida la sheegay Wadaad Xagjir ah oo udhashay Dalka Kenya oo la kharijiyay Sanadkii 2012 ka, waxaa lacago malaayiin dollar ah  ka soo gashaa iibinta alwaaxda iyo nooc ka mid ah macdan.

Booliska  Mozambique ayaa xabsiga udhaadhiciyay dad kor udhaafaya 200 oo qof kuwaasoo lagu tuhmay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab howlgalo ay ciidamadu bilaabeen bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Ugu dambayn Dowlada ayaa asbuucii hore albaabada ufurtay Dhowr masjid oo lagu tuhumaya in ay saldhigyo u ahaayeen Kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Dalkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here