Home WARARKA Dagaal Khasaaro Gaystay oo Muqdisho ka dhacay iyo Dowlada oo aan Dajin...

Dagaal Khasaaro Gaystay oo Muqdisho ka dhacay iyo Dowlada oo aan Dajin qorshe Rasmi ah Dagaalka Noocaan ah

500
0

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa rasaas kala kulmay Ciidamo hubaysan oo ku dhaqan degmada Hilawaa ee Gobalka Banaadir.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in iska hor imaad dhex maray maleeshiyo hubaysan iyo ciidamada Amniga degmada Heliwaa.

Dagaalkan ayaa ka dhacay xaafadda Buulo-maaxaay oo ka tirsan degmada Heliwaa, waxaana la sheegay in uu dhashay ka dib markii ay maleeshiyo xaafadaasi ku sugan ay dhaawaceen darawal Mooto Bajaajle ah, kaas oo ay ugu tageen ciidamnka Amaanka  Gurmad ahaan.

Askari ayaa la sheegay inuu ku dhintay dagaalka iyadoo mid kale uu ku dhaawacmay, waxaana dadka degaanka ay sheegayan in xiisadda ka taagan xaafadaasi ay muddo dheer soo jirtay, una dhaxeyso guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada Heliwaa Abshir Kaaraan iyo nin lag magacaabo Saney Cabdulle oo maleeshiyo ku heysta Deegaanka.

Dowlada Soomaaliya ayaa is moogaysiinayso Maleeshiyaadka ku dhex Hubaysan magaalada oo aysan ka shaqayn karin ciidamada Amaanka iyaga oo dadwaynaha dhac ugaysta.

Dagaalada Noocaan ah Waxa ayna ka jiraan dhamaan Degmooyinka Gobalka Banaadir waxaana ku biila maleeshiyaadka Noocaan ah siyaasiyiin iyo madax ka tirsan Dowlada oo qaab qabiil ugu Naas Nuujiya Hantida Qaranka.

Mana umuuqato in haatan wax qorsho ah uu uga dagsan yahay dhibaatada maleeshiyaadka Noocaan ah ka gaystaan Magaalada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here