Home WARARKA Wararkii ugu dambeeyay Khilaafka Ka dhex Curtay Maamulka Galmudug

Wararkii ugu dambeeyay Khilaafka Ka dhex Curtay Maamulka Galmudug

209
0

waxaa sii xoogaysanaya Khilaafka madaxda sare ee Maamulka Galmudug, iyadoo Madaxda labada dhinac ee saldhigyaa ka kala dhigtay Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ay shirar gaar gaar ah oo ay iska soo horjeeda ay leeyihiin.

Magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, iyadoo Xildhibaanada Galmudug ay ku qul qulayaan Magaalada, kaddib markii uu u yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Cali Gacal Casir.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa shir ku leh magaalada Cadaado maalinta Talaadada, kaasoo looga hadlayo Khilaafka xilligan ka taagan Maamulka dhexdiisa.

Ku xigeenka Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay heshiiskii Galmudug iyo kooxda Ahlusuna in la baal maray, iyagoo ay ka soo horjeeda awood Balaarsiga Madaxwaynaha iyo Hogaamiyaha Kooxda ahlusun ee dhawaan la heshiiyay maamulkaas oo hal dhinac galay.

Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir ayaa isku dhinac ka ah, waxayna labadan Mas’uul ay ahaayeen kuwo isku soo dhowaanayay tan iyo intii markii uu ku guulaystay Doorashadii Madaxtinimada Maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here