Home WARARKA Midawga Africa oo war Ka soo saaray Faragalinta dowladaha Shisheeye ee Soomaaliya...

Midawga Africa oo war Ka soo saaray Faragalinta dowladaha Shisheeye ee Soomaaliya ku hayaan

233
0

Hogaamiyaha Midowga Afrika ayaa walaac xoogan ka muujiyay farogelin dowlado shisheeye ku hayaan Soomaaliya , waxaana uuna sheegay in farogelintaasi caqabad ku noqoneyso amaanka iyo Horumarka Dalka.

Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika  Musa Faki Mahamed, ayaa walaac xoogan ka muujiyay farogelinta Shisheeye ee xiligan lagu hayo Soomaaliya, kadib kulan uu magaalada Adis Ababa kula qaatay Ra’isaul Wasaaraha Soomaaliya.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu Cadeeyay in Musa Faki iyo Ra’isul Wasaare Kheyre kawada hadleen arimo dhowr ah ay kamid ahaayeen amniga , Siyaasada iyo sidoo kale Khilaafka u dhaxeeya dowlada iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Qoraalka kasoo baxay Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu sheegay farogelinta dowlado shisheeye oon la magacaabin ku hayaan Soomaaliya dhibaato weyn ku tahay dhismaha nabadda iyo horumarinta dalka ka socda.

”Farogelinta lagu hayo Somalia waxa ay carqalad ku tahay Dhismaha Nabadda iyo Dowladeed ee haatan ka socota Somalia, waxay kaloo khatar ku tahay guushii adkayd ee laga gaaray Hawlgalkii wadajirka ee Ciiddanka Somalia iyo kuwa AMISOM” Ayuu yiri Faki.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay wadamada Shisheeye ee Farogelinta ku haya Soomaaliya in ay faraha kala baxaan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayna joojiyaan Fal kasta oo wax u dhimaya Nabada iyo horumarka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here