Home WARARKA Guddoomiyihii Maxkamadda Sare oo ka soo hor jeestay xil ka qaadistii lagu...

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare oo ka soo hor jeestay xil ka qaadistii lagu sameeyay

180
0

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa diiday in xilka Laga qaaday waxa uuna ika soo hor-jeestay xilka qaadistii uu ku sameeyay shalay Madaxweyne Farmaajo, isagoo caddeeyay in aan loo marin Nidaam sharciga waafaqsan.

Iidle oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in Dastuurka uu caddeynayo inay kala madax banaan yihiin Hey’addaha Fulinta, Garsoorka iyo Xeer sharci dejinta, isla markaana loo raacayo xeerarka nidaamka garsoorka qodobkiisa 23aad oo sheegaya sida shaqada uga fariisan karaan Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo xubnaha ugu sareeya oo ah da’da shaqada 65 sano.

sidoo kale waxa uu sheegay inuu sii wadanayo howlihiisa iyo waajibaadkiisa qaran, isla markaana Garsoorka aanu aheyn xil siyaasadeed, sidaas darteedna wixii sharci ah uu aqbalayo, hase ahaatee wixii aan sharci aheyn uusan aqbali doonin.

Mar la weydiiyay sida ay ku kala duwan yihiin xil ka qaadistiisa iyo xil ka qaadistii uu Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii hore Maxkamadda sare Ceydiid Cilka Xanaf ayuu ku jawaabay in Guddoomiyihii hore xilka laga fariisiyay da’diisa oo uu xusay inuu dhaafay 65 sano.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay waxaa uu xilka kaga qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleymaan, isagoo u magacaabay xilkaas Baashe Yuusuf Axmed oo ah nin dhalinyaro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here