Home WARARKA Xaaf oo Dowlada Fedaraalka ku eedeeyay In ay Bur burinayso Maamulka Galmudug

Xaaf oo Dowlada Fedaraalka ku eedeeyay In ay Bur burinayso Maamulka Galmudug

125
0

Hogaamiyaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya, Farogelin ku hayso maamulkooda.

Waxa uu sheegay Xaaf, in wasaaradda ay horey u qabsatay Labo cisho, balse aysan wax jawaab ah soo siin iyaga oo ku sugan Magaalada Muqdisho, sidaasi darteedna ay iyaguna u aadeen Magaalada Dhuusamareeb.

Xaaf ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay u arkaan wax ay waddo wasaaradda arrimaha gudaha farogelintii horey looga digay.

“Waan wada aragnay wasiirka arrimaha gudaha, waan ballanay oo Labo berri ayuu inoo qabtay, war naguma soo celin annagane waan iska soo dhoofnay, arrinta uu hadda ku dhex jiro waxaan u aragnaa farogelin qayaxan..Galmudug waa xor baarlamaan bay leedahay wasiirro bay leedahay, ciddii shaqsiyaad ah oo bannaanka istaageysa iyada ayeey u taallaa” ayuu yiri Xaaf.

Hogaamiyaha Galmudug Ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ka dhex jiraa Khilaaf soo jiitamayay Mudo Bilooyin kaas oo horay looga gaaray Heshiisyo hor dhac ah oo ay garwadayn ka ahayd Dowlada Fedaraalka.

shalay Galab mar ay ka dageen Magaalada Cadaado Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayay sheegeen ineysan aqoonsaneen Xubnaha Baarlamaanka ee Galmudug ka soo galay dhinaca Ahlusunna iyo Isbadalka lagu sameeyay Dastuurka Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here