Home WARARKA Maxay tahay Sababta Uu Turkiga U taageero Soomaaliya, saldhigna uga Furtay Xamar

Maxay tahay Sababta Uu Turkiga U taageero Soomaaliya, saldhigna uga Furtay Xamar

237
0

Dowladda Turkiga ayaa Magaalada Muqdisho ka furatay Safaarada ugu weyn ee ay ku leedahay Qaaradda Afrika iyo Saldhiga Ciidan oo lagu tabaro Ciidamo Soomaali ah, waxaa kale ay Magaalada Hargaysa ku leedahay Xarun Qunsuliyad ah.

Qaar ka mid ah Falanqeeyayaasha Caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Sababta Turkiga ay muhiimadda Usiiyeen dalka Burburka ku jira oo aan wali Faa’iidadiisa aysan soo ban bixin.

waxa ay sheegeen in Soomaaliya  Turkiga ay ugu jirto tartan ah in ay ka xigsato dalalka Caalamka, Carabta iyo kuwa kale ee Afrika oo isku sheega in ay taageero ufidiyaan Soomaaliya.

Ahmet Riza Demirer oo ah Agaasimaga guud ee laanta xiriirka Afrika  ee Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegay xili uu wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Anadolu Agency, in aysan jirin Tartan ay ka waddaan Soomaaliya, laakiin ay kaliya ay ku howlan yihiin Caawinta Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya aysan ahayn meel uu caalamka ku tartamo Turkigana uusan tartan u joogin.

Ahmet Riza Demirer ayaa si xoogan uga jawaabay su’aal ahayd sida dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale ay u arki karaan Saldhigga Turkiga ku leeyahay Magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay kaliya in lagu tababaro Ciidamada Soomaalida ah si ay amniga dalkooda wax uga qabtaan islamarkaana ay dowladda Soomaaliya noqoto mid amaankeeda iyada maamulata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here