Home BULSHADA Inan Todobo Jir ah oo Ka soo hartay Qoys ay fatahaada...

Inan Todobo Jir ah oo Ka soo hartay Qoys ay fatahaada Gobalka Awdal Saameeyeen

170
0

Sida aan Wararka ku helayno waxaa jiro dad kale oo ku waayay Fatahaadihii ka dhacay Somaliland ehelkoodii iyo intii ay isla Noolaayeen.

Sida wararka hore lagu tabiyay waxaa jiray inan yar oo uu MD Muuse biixi sheegay hadii waalidii baxayn in aaay bixin Somaliland islamarkaana ay iyagu kafaala qaadayaan Nolasha wiilkaa yar.

“Waxa jira qoys dhawr iyo toban qof ahaa oo wiil yari ka hadhay, wiilkaasna waanu doonaynaa, haddii reerkoodii baxayna qarankiisii baa jooga, xilkuna qaranka ayuu saaran yahay, markaa wiilkaasi inuu na raaco ayaanu doonaynaa,” ayuu yiri mar uu ka hadlay Madaxweyne Muuse Biixi

waxaa hada Soo baxday Gabdh yar oo lagu magacaabo Haboon Cumar Cawaale Caynaan, oo ah inan yar oo sabi ah oo duufaantii deegaanada galbeedka Somaliland ku dhufatay taas oo ku wayday labadeedii waalid iyo laba walaalo ah iyada oo kali ah ayaana qoyskaa ka soo hadhay.

Dhanka kale Senator Ayuub Ismaaciil Oo ka tirsan Xubnaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federalka Somalia Ayaa kafaala qaaday Waxbarashadeeda Iyo Caafimaadkeeda Haboon Cumar Oo dhamaan qoyskeedii Ku waydey dufaantii dhawaan ka dhacdey Gobolka Awdal

Senator Ayuub Ismaaciil iyo Haboon Cumar Cawaale Caynaan,

Masiibadani ayaa ka dhacday deegaanka Qabuurta oo u dhexeysa Qardhiile iyo Ruqi oo hoos Taga degmadda Baki ee gobolka Awdal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here