Home WARARKA Alshabaab iyo Dad Rayid ah oo Mahadaay ky dagaalamaya iyo Hal Arin...

Alshabaab iyo Dad Rayid ah oo Mahadaay ky dagaalamaya iyo Hal Arin oo ka danbaysa

108
0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Mahadaay ee Gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ay halkaas ka taagan tahay Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Al-Shabaab iyo dadka shacab ah oo ku nool duleedka Mahadaay.

Tuulo lagu magacaabo Miirtaqwa ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagan tahay xiisadan, iyadoo maalmihii la soo dhaafay tuulooyin kale ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.

Dad waynaha ayaa ka biyo diiday inay bixiyaan lacag ay Shabaab soo dalbadeen oo ay ugu yeeraan Sakawaadka.

Alshabaab ayaa qaadayay ku dhawaad 10 lacagaha ay ku sheegaan Zakawaad, waxayna Shabaab doonayaan dhamaan dadka tuulooyinka in lacagtaan laga aruuriyo.

Mid ka mid ah Shacabka ku dhaqan Mahadaay ayaa sheegay inay is aruursadeen, ayna diyaar u yihiin inay la dagaalamaan Shabaab si ay isaga celiyaan oo xoolahooda aanan loo dhicin.

Lacagta loogu yeero Sakawaadka ee Al Shabaab ay qaadaan ayaa la qaadaan Sanadkii 2 jeer, waxaana laga aruuriyaa cid kasta oo dagan deegaanada ay ka taliyaan shabaabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here