Home WARARKA Hogaamiyaha Galmudug oo weerar ku qaaday Ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka

Hogaamiyaha Galmudug oo weerar ku qaaday Ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka

90
0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si adag uga hadlay khilaaf ka soo Cusboonaaday Maamulkiisa kaas oo U dhaxeeya Asiga, Madaxwayne kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay dadwaynaha Cadaado in magaaladooda aan laga abuurin dagaalo iyo dhibaato hor leh, waxa uuna ugu baaqay in ay iska soo eryaan Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo Gudoomiye Cali Gacal.

Xaaf ayaa sheegay in nasiib daro tahay ragii wax ka ogaa goobjoogna ka ahaa heshiiskii lala galay kooxda Ahlu Sunna in ay maanta dabo mareen kana dageen Cadaado, waxa uuna tilmaamay in uu ka xun yahay hadaladii ay ay warnaahinta Ka sheegeen.

Xaaf ayaa sheegay in maalmo badan ay ku sugnaayeen Muqdisho kalana hadleen khilaafka taagan iyo sidii loo xalin lahaa ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.

”Waa nasiib daro in nadabo maraan kana degaan Cadaado, waana maqlay hadaladii ay maanta sheegeen, waxaan leeyahay Maxamed Xaashi iyo Cali Gacal nin aan idin furi doonin yuusan idiin xirin, waxaad tabaneysaan waa wax la idinka daweyn karo ” Ayuu yiri.

Hogaamiyaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay khilaafkii 8-bilood kahor jiray in uu ka dhashay yaanan la doonin Ahlu Sunna, waxa uuna hada tilmaamay in khilaafkan hadana salka ku hayo maxaa loola heshiiyay Ahlu Sunna.

Hadalka Xaaf ayaa kusoo aadaya xili maanta magaalada Cadaado ka degeen Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Cali Gacal , kuwaa oo kasoo horjeestay Xildhibaanada la isku daray iyo dastuurka Dhuso Mareeb lagu ansixiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here