Home BULSHADA Hooyo iyo Aaabe Wiilkooda ka dacweeyay in uu ka Fogaado darteed

Hooyo iyo Aaabe Wiilkooda ka dacweeyay in uu ka Fogaado darteed

200
0

Qoys Maraykan ah oo wiilkoodu ka Dacweeyay Maxkamada kaas oo ay ku sheegeen in uu diiday inuu ka guuro si uu noloshiisa u dabbaro.

waalaalidiinta ayaa maxkamadda la wadaagay in ay U sheegeen Michael Rotondo in uusan bixinin lacag kiro ah, hawsha gurigana uusan wax ka qabanin, isla markaasna uu diiday qorshe ay u soo bandhigeen oo ay ku siin lahaayeen lacag uu magaalada kula qabsado.

Inkastoo hooyada Christina iyo aabahii Mark Rotondo ay 5 ogaysiis u qoreen haddana hadane, Wiilka waxa uu sheegay in waxba loo soo qorin.

Hooyada iyo aabahan ayaa dacwadooda ka furay maxkamadda ugu sarraysa deegaanka Onondaga oo u dhaw Syracuse, New York taariikhdu markay ahayd 7 bishaan May.

Qareen Anthony Adorante ayaa sheegay in waalidkiis ay Go’aansadeen in uu dhakhso uga guuro wiilkooda horayne loo ogaysiiyay “Waxaan go’aansanay in aad sida ugu dhakhso badan uga guurto gurigan” sida uu sheegay in ay ku qoran tahay waraaqda oo ku taariikhaysan 2 Feebaraayo.

Intaas ka dibna lamaanaha ayaa wiilkooda u soo bandhigay 1,100 oo doolar si uu magaalada ugula qabsado, iyaga oo si cadna u faahfaahiyay dabcigiisa.

“Waxaa jira shaqooyin wali u bannaan dadka taariikh xumada shaqo leh sidaada oo kale, mid ka mid ah qabo, waa in aad shaqaysataa” ayay dheheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here