Home BULSHADA Soomali siyaaba kala duwan loogu dilay In

Soomali siyaaba kala duwan loogu dilay In

236
0

waxaa magaalada London lagu dilay alaha Unaxariistee Cismaan Shidane oo 20 sano jir ahaa kaas oo lagu dhuftay Tooreey sadex cesho ka hor.

Muwaadinkaan ayaa ku geeryooday Isbitaal ku yaala london oo uu ku jiray Sadexdii Maalin ee ugu dambeeysay, dhowr jeer ayaa lagu dhuftay Toorey isaga oo ku sugnaa dhisme laga tukaameysto oo lagu magacaabo RUISLIP.

Dillkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal 72saac ee la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah jidadka magaalada London , kuwaa oo loo adeegsaday Tooreey.

Nasteexo Shidane oo 17 sano jir ah waxaa ay ka mid tahay carruurta ay walaalaha ahaayeen Cismaan Shidane waxaa ay sheegtay in uu ahaa qof qoyskiisa taageera, wuxuu lahaa Xaas, iyada oo intaa raacisay in uu ahaa qof daryeel iyo naxariis badnaa.

Shidane waxaa uu ku dhashay dalka Denmerk laakiin waxaa uu ku noolaa magaalada London ee dalka Britain muddo ku dhan 15 sanadood.

Sidoo kale waxaa meydkiisa la helay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Jaamac oo asiga ah 24 jir , waxaana Ka muuqday korkiisa in lagu dilay tooray.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale dhalinyaro Soomaaliyeed lagu bartilmaameesado qaar ka mid ah wadamada Reer galbeedka, waxaana sii badanayay todobad yadii ugu dambeeyay dilalka Noocaan oo kale ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here