Home CAALAMKA Mraykanka oo Israel siiyay Diyaarada ugu qaalisan ee lagu dagaal galo iyo...

Mraykanka oo Israel siiyay Diyaarada ugu qaalisan ee lagu dagaal galo iyo Israel oo noqatay cidii ugu horeeysay ee isticmaasha

317
0

Diyaarada la sheego in ay tahay mida ugu qaalisan ugana Casrisan wakhti xaadirkaan loona yaqaan F-35 oo Mareykanka sameeyay ayaa markii ugu horreysay la arkay iyada hawada ku jirta oo ay hawl gal militari ku fulinyaan ciidamada cirka ee Israa’iil.

Dowlaa Maraykanka oo Naas nuujis Israel aya la soo sheegayaa in ay kula dagaalamaysokooxo fara badan oo muslimiin ah, Sarkaalka ugu sareeya ciidamada cirka ayaa soo bandhigay sawir muujinya diyaaradaha oo dul heehaabaya magaalada Beirut ee dalka Lubnaan, waxa uuna sheegay in diyaaradaha ay haatan weerar ka geysteen laba goobod.

Ciidamada Israel ayaa mar sii horreysay dhowr weerar oo cirka ah ku qaadday dalka Suuriya iyaga oo isticmaalaya Diyaaradda F-35-ka, waxa ayna diyaaradahaan yihiin kuwa wakhtigaan ugu hormarsan Caalamka.

General Amikam Norkin ayaa 20 sarkaal oo madax ka ah ciidamada cirka oo ka socda waddama kala duwan u sheegay: ” waxa aan diyaaradda F-35 ka hawl galineynaa dhamaan bariga dhexe waxa aana haatan weerarnay laba goobood oo kala duwan.” Balse ma uusan sheegin goobaha halka ay ku yaallaan.

Israel ayaa noqotay tii horeyay ee ka baxsan Mareykanka ee haysta diyaaradda dagaalka ee leh halka kursi, waxaana la siiyay sagaal ka mid ah 50 diyaaradood oo ah noca F-35 kuwaasi oo ay horay u dalbatay, waxaana laga yaaba in ay gaarsiyaan ilaa 75 diyaaradood.

Dowlaa maraykanka ayaa umuuqata mid dab xoogan ku sii shidaysa Xasarada ka taagan Bariga dhaxe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here