Home CAALAMKA Maraykanka oo Iran ku soo rogaya Cuno qabateyntii ugu adkeyd Taariikhda

Maraykanka oo Iran ku soo rogaya Cuno qabateyntii ugu adkeyd Taariikhda

81
0

Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisa uu Iran Ku soo Rogayo Cunaqabatayntii ugu Adkeed Taariikhda, ka dib markii uu dalkiisa ka baxay Heshiiskii Nukleerka.

Maadaxwaynaha Iiraan oo u jawaabay Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka  cambaareeyay oo sheegay in ay Iiraan ku soo rogi doonaan cunaqabatayntii ugu adkeyd taariikhda.

Xassan Ruuxaani ayaa su’aal galiyay kalsoonida lagu qabi karo go’aanada Xoghaya Arimaha Dibada Maraykanka Mike Pompeo ee ku aadan Cunaqabataynta Iiraan.

wakiilka midowga Yurub u qaabilsan siyaasada arrimaha dibadda ayaa cambaareeysay khudbadii uu jeediyay xoghayaha arrimaha dibadda ee mareykanka Mike Pompeo.

Federica Mogherini ayaa sheegtay in aysan jirin waddo kale oo furan oo ku aadan heshiiskii niyukleerka ee Iiraan lala galay 2015.

Waxa ay intaa ku dartay in Mr Pompeo uusan qeexin sida ay ka bixitaanka heshiiska Iiraan uu bariga dhexe uga dhigayo mid ammaan ah.

Hadalka Iiraan iyo midowga Yurub ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay dowladda Mareykanka sheegtay in ay cunaqabatayno cusub ay ku soo rogi doonto Iiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here