Home WARARKA Bulsho deegaankooda laga mamnuucay in ay ilmo ku dhalaan

Bulsho deegaankooda laga mamnuucay in ay ilmo ku dhalaan

36
0

Dalka Barazil Jasiirad ku taala oo loo diiday Bulshooyinka degan in ay Ilmo ku dhalaan

geeri go’an ah oo ku taala dalka Brazil, horay na looga mamnuucay in haweenka ay halkaasi ku ummulaan ayaa u dabaaldageysa ilmihii ugu horeeyay ee jasiiradaasi ku dhashay muddo 12 sano ah.

Jasiiradda Fernando de Noronha ayaa 370 kilmitir u jirta magaalada Natal, waxaana jasiiradan kunool saddex kun oo qoys, kuwaasi oo aan loo ogoleyn in wax ilma ah halkaasi ay ku dhalaan.

Haweenka uurka ah ayaa laga dalbadaa inay ka ambabaxaan magaalada, oo ay kusoo ummulaan magaalooyinka kale ee dalka Brazil.

Haweeney 22 jir ah oo diiday in magaceeda la shaaciyo ayaa gabar ku dhashay jasiiradaasi maalintii sabtida, balse arrinta la yaabka leh ayaa waxaa ay noqotay markii haweeneydaasi ay tiri marnaba kama warheynin inaan uur leeyahay, waxaana ay intaa ku dartay inay la yaabtay markii ay dhashay Canuga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here