Home WARARKA Shir aan Caadi ahayn oo lagu Qatay Xalane & RW Xigeenka oo...

Shir aan Caadi ahayn oo lagu Qatay Xalane & RW Xigeenka oo ka qeyb galay

56
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa maanta shir gudoomiyay kulan xasaasi ah oo looga hadlayay Arimaha Xagjirka iyo sida looga hortagi karo, kaas oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii shacabka Soomaaliyeed looga wacyi gelin lahaa Fikiradaha Qaldan ee Xag-jirnimada, waxaa kasoo qeyb galay safiirka Sweden ee Soomaaliya, masuuliyiin ka socota wadamada Ingiriiska iyo Norway, xariiriyaha Barnaamijka kahor tagga Xajirinimada, xubna ka socda maamul gobaleedyada dalka ka jira iyo maamulka Gobalka Benadir.

iyada oo laysla Gartay in dhaqan celin loo sameeyo dhalinyarada kasoo laabata fikirka Xag-jirka ee la marin habaabiyay, si looga saaro fikirkaas oo dhaqanka wanaagsan dib loogu toosiyo.

Hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa la tilmaamay in ay muhiim tahay in ay ogaadaan oo ay la socdaan goobaha caruurtoodu ay waxbarashada u doontaantaan si looga fogaado in Fikirka Xag-jirka ah uu bulshada ku dhex faafo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here