Home BULSHADA khasaare gaaraya 40 Milyan oo dollar ayaa ka dhashay Roobabkii ka da’ay...

khasaare gaaraya 40 Milyan oo dollar ayaa ka dhashay Roobabkii ka da’ay Muqdisho

43
0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Abdirahman Omar Osman Yariisow ayaa sheegay in uu roobabkii habeen hore ilaa xalay KJa da’ayay Muqdisho ay sababeen Khasaaro Xoogan.

Yariisoow ayaa stilmaamay in baaxadda khasaaraha ee naf iyo maalba ay ka mid yihiin, waxuna tilmaamay in tirakoobkii ugu danbeeyey ee la sameeyey uu xaqiijinayo dhimashada 6 qofood oo seddex kamid ah yihiin caruur da’doodu ka yar-tahay 12 sanno, burburka guryo gaaraya 301 iyo burburka qaar kamid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda, sida, Laamiga shaqaalaha ee degmada Hodan, Laamiga Dabka iyo Bakaaraha isku xira, Laamiga Cabdalla iyo Cawareero ee Warta-Nabadda, Laamiga Janaraal Daa’uud iyo Jidad kale.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa ugu Baaqay Dadwaynaha Soomaaliyeed ee wax haysta in Gurmad Deg Deg ah la gaaraan dadka ay dhibataa Ka soo gaartay Roobabka Maalmahaanba da’ayay.

“Waxaan ugu baaqayaa Hay’adaha gargaar iyo guud ahaan cid walba oo wax haysata in cunno iyo agab caafimaad oo de-deg ah lala soo gaaro shacabka dhibaataysan, sida ay saadaashu tilmaamayso waxaa la filayaa roobab dheeri ah oo xaaladda kasii dari kara, sidaas daraadeed waa in loo diyaar garoobaa gurmadkuna noqdaa mid yimaada waqtiga ku habboon”.Ayuu yiri.

Ugu dambayn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in roobabkii mahiigaanka ahaa ee muqdisho ka da’ay 48-dii saac ee la soo dhaafay ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan oo gaaraya ugu yaraan $35 Million oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here